Friday, May 24th, 2013

Daawo Sawiro: Bayaan ay soo Saartay Xarakada Al Ictizaam oo ku Baaqday Dagaal ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Published on February 19, 2013 by   ·   No Comments Akhrisatay :2896

Bayaanka

1- Waxaan u mahad celinaynaa allaah Subaahanahu Watacaa oo fududeeyey hawlo baddan oo ka mid ah aaskii Sheikha iyo qabqabashadii Danbiilayaasha. Waxaan kaloo u mahad celinaynaa Dowladda Puntland, sida wayn ay howshaan isugu xilqaantay waxna uga qabatay. Sidoo kale waxaan u mahadd celinaynaa dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland kaalinta ay ka qaateen wax ka qabashada dhacddadaan iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay.

2- Waxaan u cadaynnaynaa Muslimiinta, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed in kooxda Al-Shabaab ee dishay Sh. Cabdulqaadir ay tahay koox burcad ah, diinta Islaamkana aan wax shaqo ah ku lahayn, ayna tahay musiibo iyo cadow aan ummadda u reebayn, Diin, Naf, Maal, caqli iyo sharaf middna. Waxaana arintaas cadaynaya shirqoolka hal doorka ummadda, sida; Culimmada, Aqoonyahanka, Salaadiinta, Siyaasiyiinta, Saraakiisha, Ardayda, iyo Ganacsatada. Sidoo kale Qarxinta, Xasuuqa, qaxinta, cabsigalinta, niyad jabinta iyo dullaynta ummadda Soomaaliyeed.

3- Waxaan u cadaynaynaa ummadda Soomaaliyeed in aan illaahay iyo Rasuulku farin in dadka Muslimiinta ah lagaalaysiiyo ama la laayo, shareecada Islaamkuna aysan
qabin, kooxda Al-shabaabna ay illaahay iyo Nabiga ku been abuuranayaan.

4- Hadaba waxaa waajib ku ah ummadda Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan sida; Maamulada, Qabiilooyinka, iyo bulshada oo dhan inay si wada jir ah uga hortagaan kooxda Al- Shabaab ee dabargoynaysa Ummadda , maadaama ay yihiin khatar ku wajahan ummadda idilkeed.

5- Waxaan Shacabka u cadaynaynaa in kooxaha shirqoolada iyo qaraxyada fulinya aysan matalin qabiilooyinka ay ka dhasheen , lagalana tashan, dadka ay bartilmaameed sanayaana aysan u dilayn qabiil ahaan, aysana jirin qabiil loogu danaynayo falalakan guracan ee ay ku kacayaan. Sidaa daraadeed;

b) Sharci ahaan looma aanayn karo beelaha ay ka soo jeedaan,

t) Mana banaana in dadka falalkaas fulinaya, lagu kaalmeeyo falkooda qaldan, lamagan galiyo, ama gabaad loo noqdo.

j) Marka laqabto danbiilayaashana looma gurmankaro. Looma doodi karo, lamana difaaci karo.
x) Waxaan u cadaynaynaa cidii sidaa yeesha lacnada illaahay inay mutaysanayaan.

6- Waxaan usoo jeedinaynaa beelaha Soomaaliyeed inay ka digtonaadaan utunta, iska horkeena iyo colaada ay ka dhex abuurayso koox Al-Shabaab. Waxaan kaloo soo jeedinaynaa inaan dheg loo dhigin dicaayadaha marin habaabinta ah ee kooxdaasi u adeegsadato weecinta iyo daboolista faldanbiyoodkooda.

7- Waxaan cadaynaynaa in kooxdii faldanbiyeed isu kaashata ama wada fulisa sharci ahaan isku xukun yihiin. Sida; kan amray, kan dilay, kan lacagta baxshay, kan soo ilaaleeyey, kan gaariga ama guriga u kireeyey, kan qariyey, iyo kan raacdo reebka ah.

8- Waxaan usoo jeedinaynaa dhamaan Maamulada Dalka inay ku dhaqmaan shareecada Islaamka, cidkasta oo faldanbiyeed gaysatana lagu qaado xukunka Shareecada islaamku ka qabto arinkaas.

9- Waxaan marlabaad usoo jeedinaynaa ummadda Soomaaliyeed maamul iyo shacaba in la isugu yimaado shir wayne heer qaran ah oo looga arinsanayo dhibaatada kooxda Al-Shabaab ay ummadda ku hayso.

10- Ugu danbayntii waxaan u dardaarmaynaa ummadda Soomaaliyeed illaahay cabsidiisa iyo inay ku dhaganaadaan Diintooda, caqiidada saxanna ka qaataan culimmadda, si ay uga badbaadaan marin habaabinta kooxda Al- Shabaab wado.

 04 05 06

Readers Comments (0)



*

WARARKII HORE

Dowlada Ethiopia oo maanta War cusub ka soo saartay Ciidamadeeda ka Jooga Dalka Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland taageerayso.

May 22, 2013
Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Kebejaron oo la hadlay war baahinta dalkaas ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ...

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...