Wednesday, May 22nd, 2013

Maxaa ka socda Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada?.

Published on February 19, 2013 by   ·   1 Comment Akhrisatay :22488

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay ka soo kabanaysa dib u dhacyo badan oo ay u gaysteen kooxda Al-Shabaab.

Magaalada ayaa waxaa ka socda Dhismayaal  iskugu jira ,Guryo, wadoyiin iyo Warshado yar yar oo Magaalada laga hergaliyay.

Waxaa dhismo iyo dib u habeynba lagu sameyay Hotelada Magaalada Kismaayo oo hada u shaqaynaya si xowli ah ayado Hotelada Magaalada ugu Mashquulsan uguna casrisan ay yihiin Hotelada Tawakal International, Hotel Kismaayo iyo Hotel Hareed Yarow waxaa dib u habeyn iyo Casriyayn ay ku socota  Hoteladi Magaalada Kismaayo ugu waaweyna sida  Hotel Cascaseey iyo Hotel Qiilmawaaye,

Dakada Magaalada Kismaayo ayaa waxay u shaqaynaysa si xowlihi ah ayado alabaha Dakada Kismayo laga soo dajiyo ay galan  Gobolada, Jubbada dhexe , Gedo , Bay , Bakool , Guud ahaan Gobolka Waqoyi bari Kenya, ila Wadanka Yuganda oo ay tagaan alabo laga soo dajiyay Dakada Kismaayo.

Arinta la yaabka leh ayaa waxaay tahay  in Garoonka  Diyaaradaha ee Axmed Guray Internetional Airport uu mudo gaban gudahood ku noqday Airporada ugu Mashquulka badan Somalia,

Mar aan Boqday Garoonka Diyaaradaha ee Axmed Gurey International Airport ee Magalada Kismaayo ayaan ku arkay waji ka duwan midki aan ku soo arkay 2 bil ka hor.

Garoonka ayaa waxaa lagu sameyay  dib u habayn aan sidaas u badnayn balse ku muqanaysa  in  garoonka hanti la galiyay waxaa markaasi garoonka fadhiyay ila 5 diyaaradood  oo ka kala yimid Muqdisho iyo Nairobi inta aan ku sugna garoonka waxaa kacay labo diyaaradood halka Diyaarad kale oo ka timid dhanka Kenya ay ka soo dagtay.

Waxaa dib u habayn lagu sameyay  qaybaha Magaretionka iyo Hollka rakaabka ay ku sugaan diyaaradaha iyo qaybo badan oo ka mid ah  Garoonka Kismaayo.

Amaanka Garoonka ayaa ah mid la isku halayn karo waxaana Amaanka si wadajir ah u suga Ciidamada Amisom iyo Ciidanka Dowlada Somalia iyo kuwa Raskambooni.

Isku soo wada duubo Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda Hormaro dhankasta ah oo farxad galin kara dhamaan shacabka reer Kismaayo ee in badan ku soo jiray  dagaalada sokeeye.

Readers Comments (1)

  1. Wariye mowlid ahmed hassan BADQAS says:

    Amaanka magaalada dhoobleey iyo nolosha shacabaka ku dhaqan nawaaxiga m/dhoobleey

    waxaa si weeyn loo xaqiijiyay amniga kasoo ay si wadajir ah ay gacan bira ugu Haya ciidamada

    AMISOM MILATARIGA SOMAALIYEED IYO CIIDAMADA RAASKABOONI OO MAAMULKA HAYA

    DHOOBLEEY ayaa ah magaalada ugu amaanka badan dhamaan G/jubbada hoose inkastoo aynaan jirin furfurnaan dhanka ganacsiga maadaama roobab lixaadleh uuka da ay gobalka waxaana xirmay wadooyikii isku xirayay dhoobleey iyo nawaaxiga ku dhawdhow inkastoo hay.adaha samafalka ay ka bixiyaan lacago dhan 100 $ bishii qoys walba waxaase hoos udhac uuku yimid sarifka oo 100$kii lagu sarifayo 1 malyan iyo 5000 ookun halka sicirka suuqyada uu kor u kacsan yahay



*

WARARKII HORE

Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Gaarisa Oo La Sheegay In Lagu Doonayey In Lagu Qaarajiyo Mid Ka Mid Ah Musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Kenya.

February 17, 2013
Xog  dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee ...

ETHIOPIA OO SAMEESATAY DIYAARAD DRONE AH.

February 16, 2013
Sida ilo ku dhow dhow Saraakiisha Malitariga dalka itoobiya ay u sheegeen Sudan Tribune ee ka soo baxda ...

IRAN OO BEENISAY INAY HUB KU TAAGEERTO URURKA ALSHABAAB.

February 14, 2013
Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ...

War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Golaha fulinta Ahlusunna Sh.Maxamed Xeefow oo geeriyooday .

February 13, 2013
Alaha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha ...
e

Mareykanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay uu ka taageeri doono…

February 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo ...
4

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

February 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya ...
7

Mixnada Saxaafada Soomaaliya markale aan dib u eegno?!!!!!!!!!

February 9, 2013
Abas Abdi Mohamud ,Somali Columnist Howl kasta oo qof ama kooxi qabato waxaa lagu muteysan karaa dhaqaale,  amaan, sharaf, ...

Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo qirtay inuu ka tirsan yahay ‘Dammul Jadiid’

February 9, 2013
Horay waxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shirkii Minnesta, Minneapolis uga sheegay inaanu koox ama xisbi goonniya ka ...
8

Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in Kismaayo shirkii maammul dhisiddu ka bilaabmayo dhowaan.

February 9, 2013
Isaga oo warbaahinta kula hadlaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee ...
66

Taliska ciidanka AMISOM ee Jubbooyinka oo ka hadlay ammaanka Kismaayo.{Dadka Reer Jubbaland Waa mid }

February 5, 2013
Taliska ciidamada AMISOM ee Jubbooyinka ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka ...